|
FAAHFAAHINTA HABKAN CASRIGA EE PC SHARING.
Waxaa mahadleh Allahii noo suuragaliyey inaan arinkan u soo gudbino walaalah islaamka ah ee ku nool dalalka aan islaamka ahayn.
Waa Nidaam 3 sano qaatay oo si wanaagsan loo soo diyaarshay, lana soo tijaabiyey oo dadkii aanu u bilownay aad uga mafsuudeen.
Halkii ardayba hal Macallin ayaa kaligii wax u dhigaaya buuq iyo Caruur cidhiida midna majirto.
Kharash gaadiid iyo socdaal kaaga baxaana ma jiro ee qofkastaa si raaxo leh ayuu wax u baranayaa.
Qoyskasta Macalin Khaasa oo isa soo diyaariyey ayaa Caruurta iyo waalidiinta meel wax ugu wada dhigaaya .
Waa Macalimiin u tababaran sida Carruurta Dalalka aan Islamka ahayn ku nool Caqiidada iyo Tarbiyada dhaqanka Islaamka qalbigooda loo jeclaysiinlahaa oo lagu tarbiyaynlahaa, Jahligana looga cidhib tirilahaa.
Toos baad uga baranaysaa diinta Macalimiin aqoon sare leh oo la soo xulay.
Waa macalin soomaliya oo akhlaaqad iyo Dabeecad wanaagsan leh.
Macalinkasta Gudi gaara ayaa soo xushay cilmigiisa & Khibradiisa Macalinimo.
Heerka qofkastaa joogo ayaa looga bilaabaya.
Waa Macalimiin ku takhasusay qaabka ugu sahlan ee qofka wax loo fahansiiyo.
Macalinkasta waxaa loo taba baray qaabka qoys Islaam ah oo tayo leh loo dhiso, si bulshadeenu u gaadho horummar adduun iyo aakhiro. Qalab casriya oo aan ka dhicin macalin ku horfadhiya ayaa wax lagugu barayaa. |