Habka macalimiintu wax u dhigayaan waxaa weeye wax looyaqaan Desktop Sharing ama Screen Sharin. Macnaha Macalinka computerkiisa ayuu ardaygu la isticmaalaya waxaana ka dhexeeynaaya shaashada screenka, Mouse, iyo Keyboardka intaba. Ardayga iyo macalinku waxay wada arkaan muraayad kaliya oo ah macalinka Desktopkiisa, wayna ismaqlayaan, camera na way iska arkaan. faylkasta oo macalinku pc diisa furo ardayduna way arkaan.
Tusaalo ahaan marka macalinku Qur'aanka u marinyaayo ardayga ama ka dhagaysanaayo hadduu xaraf qaldo ardaygu wuxuu odhanayaa bal xarafkaas ku celi inta uu mawsta dul saaro kadib ardayga oo arka halka macalinku calaamadiyey ayaa ku celinyaa sadarkii. Markaan kuu soo gaagaabiyo waa laba qof oo guri wada jooga oo kumbuterka midi isticmaalaayo oo wax akhrinaayo ka kalana dultaagan yahay oo kolba meesha uu qaldo ama rabo uu tusaayo kuna leeyahay halkaas ku celi ama halkaas akhri.
Takale 3da caruurta ah ama inta kabadanba ee guriga wada joogta haddii guriga hal pc oo kaliyi taalo midba marbuu galayaa oo casharkii hore ka baxayaa casharka dambana loo dhigayaa (one by one). Pc ga guriga waa inay Sameecado (Speakers) kurakibanyihiin kumbuyuutarka iyo headhphone si waxa guriga jooga oo dhan u wada maqlaan casharka ardaywalba loo dhigaayo waayo waa habka ugu wanaagsan ee waalidku ku ogaan karo waxa ilmihiisa loo dhigaayo iyo qofkasta heerka uu maraayo ardayduna u tartamilahayd. Qoyska oo dhana uu u noqn laha fasal iskood u taagan oo dhamaan tood wada barta diinta.
Ta saddexaad, Duruusta aanu dhigayno ma aha oo kaliya carruurta ee waa duruus loogu tallagalay reerka oo dhan, macalinka ujeedadiisu waxaa weeye inuu soo saaro Qoys Islaam ah oo aqoon leh wiil iyo gabadhba ama yar iyo waynba. Waalidiinta laftooda ayaa la rabaa inay caruurta wax la bartaan taas oo keenaysa in ilmhu jeclaado diinta Islaamka iyo jacayl waalidnimo. Haddii aanu labada waalid miduun wax la dhiganahayn carruurta wax micno ah ma sameynayso inaad carruurta oo kaliya farto barashada diinta. Xaata haddii aad tahay caalim waa inaad soo dhex fadhiisata oo alif bada la akhrisataa si aad u dhiiri galiso tusaalana ugu noqoto. Had iyo jeer labada waalid midkood waa lacagl'aan siiba hooyada. Macalimiintu waxay joogaan badidoodu Hargeysa, inkasta oo ay dhawaan ka kala imandoonaan aduunka oo dhan insha allaa. Haddii aad haysato Comptuter wanaagsan, Internet Broadband iyo Headphone webcamera waxaad baritoba bilaabi kartaa 2 cisho oo Lacagla'aan ah si aad u hubisid. haddii aanad ku qancin fasax baad tahay.